Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo caawa markale isku arkaya tartanka Champions League.

Tababare Jurgen Klopp wuxuu ku faraxsan yahay in 4-1 u dhibiibo kooxda sagaalka jeer heesata tartankan. markii toddobaadkii horre ay kaga soo badiyeen dalka jermalka.

Caawa lugta labaad waxa ay ka dhaceysaa garoonka caanka ah ee Bernabeu ee magaalada Madrid.

Dhinaca Real wararkii u dambeeyay waxaa ka mid ah Angel Di Maria ayaa lagu soo billaabi doonaa ciyaarta caawa kaddib markii ay u dhalatay gabar isagoo xilligaas joogay Jermalka.

Wuxuu ciyaarti horre galay keydka, Cristiano Ronaldo ayaa lagu saaka xarunta tababarka in kastoo ay heestaan dhaawacyo waxaana wararka ay lee yihiin shaki ayuu ku jirra in uu ciyaaro in kale.

Xidigga reer Portuguese waxa ay u badan tahay in uu ciyaari doono ciyaarta caawa sidaas waxaa qoray Talaadada maanta ah wargeyska La Marka ee dalka Spain.

Ugu dambeen, Gonzalo Higuain ayaa lagu soo bilaabi doonaa dhinaca weerarka isaga Karim Benzema.

Dhinaca kale, Jurgen Klopp, waxaa la sheegay in uu soo xulay ciyaartoydii ka badiyay kooxda real kulankii horre oo wax badan kama badalin .

Laakin dhibka jirra wuxuu yahay Signal Iduna Park iyo Lukasz Piszczek ayaa la tacaalaya dhaawacyo haya, laakin waa lagu soo bilaabi doonaa, iyagoo dhinaca difaaca kala ciyaari doonaa Neven Subotic, Mats Hummels iyo Marcel Schmelzer.

Real Madrid waxa ay ku rajo wayn tahay in markii 13-aad ay timaado tartanka kooxaha qaarada Yurub.

Markii ugu dambeesay waxa ay ahayd sannadkii 1981. Kooxda Borussia Dortmund hal mar ayey gaartay ciyaarta Finalka tartankan, waxaana ay koobka ka qaaday kooxda Juventus sannadkii 1997.

Cristiano Ronaldo goolka uu ka dhaliyay dalka Germalka lugta horre waaa goolkii 50-aad dhammaan ciyaarihii uu ciyaaray.

Jose Mourinho guuldaradii ugu dambeesay waxa ay ka soo gaartay Jermalka iyo kooxda Bayern Munich markii xilli ciyaareedkii semi-finals.

Kooxda kaliye ee guusha gaartay oo lugta horre 4 iyo 1 looga badiyay tartanka kooxaha qaaradda Yurub waxa ay noqotay Deportive La Coruna waxaana lugta labaad ay ku badisay 4-0 ciyaartaas oo ka dhacday Spain waxaana ay isku soo beegmeen AC Milan.

Borussia Dortmund waxa ay guul daro heerkan oo kale tartanka kala kulantay kooxda Real Madrid sannadkii 1998, waxana kooxda Spain ku guuleesatay tartanka.

Robert Lewandowski ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay oo ka dhaliya afar gool kooxda Madrid tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League lugta horre.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here