Real Madrid iyo Ajax oo ku kala guuleystay horyaalka Spain iyo Holland

Kooxda kubada cakta Real Madrid ayaa xalay u dabaal dagtay hanashada horyaalka dalka Spain ee La Liga tan iyo sanadki 2008 kadib marki ay 3-0 uga badisay kooxdaAthletic Bilbao.

Goolal au u kala saxiixeen Gonzalo Higuain, Mesut Ozil iyo Cristiano Ronaldo ayaa u suura geliyey Real in ay duubato horyaalkeedii 32-aad iyadoo wali ciyaaraha La Liga ay ka harsanyihiin laba kulan, inkastoo Barcelona ay 4-1 ku martay kooxda Malaga.

Kooxda uu leyliyo macalin Jose Mourinho waxay haatan ka sareeyaan 7 dhibcood Barcelona oo kusoo xigta sidaasi daraadeed masoo qaban karaa xitaa Real hadii laga badiyo labada ciyaarood ee soo aadan.

Macalinkaan u dhashay dalka Portugal haatan waxa uu afar koox oo kala duwan kula guuleystay afar horyaal afar wadan oo kala duwan kuwaasi oo kala ah Porto, Chelsea, Inter Milan iyo Real Madrid.

Guushaan waxay farxad iyo laab qabowsi u tahay taageerayaasha Real oo la cabursanaa jabki kasoo gaaray bishi hore semi-finalka koobka Champions League oo ay kasoo reebtay kooxda Bayern Munich.

Ronaldo ayaa xalay bartilmaameed ahaa inkasta uu rigoore iska qasaariyey, waxaana uu la gafay goolka rigoore loo suray oo uu ka qabtay gool haye Gorka Iraizoz, horay wuxuu usoo dhaliyey 25 rigoore oo horyaalka ah.

Dalalka kale hadii aan eegno, Ajax ayaa iyaduna hanatay horyaalka dalkeeda 31-aad kadib marki ay 2-0 ku dubatay kooxda VVV Venlo.

Guushaasi waxay gadaal ka marisay kooxda kusoo xigta ee Feyenoord iyadoo hal kulan ka harsanyahay horyaalka.

Xaga hortaalka Talyaaniga wali waa la isku dhaganyahay, kooxda AC Milan ayaa hal buundo usoo jirsatay kooxda ka horeysa ee Juventus kadib marki ay 2-0 uga badisay Atalanta.

Juventus bareejo ayaa lagu celiyey waxayna 1-1 garoonkeeda kula gashay kooxda martida aheyd ee Lecce oo ku ciyaareysay 10 laacib, horyaalka waxaa ka dhiman laba ciyaarood oo qura walina lama saadaalin karo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.