Raysul wasaare Saacid iyo wafdigiisa oo Muqdisho ku soo noqday

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu noqday magaalada Muqdisho, kaddib markii muddo dhowr cisho ah uu booqasho ku joogeen magaalada Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay wada-hadallo la lahaa maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo oo ay ka wada-hadlayeen arrimo ay ku jiraan maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka, dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, dib u xoraynta deegaannada wali gacanta ugu jira al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xalay shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka tanaasushay waxyaabo badan oo ay labada dhinac ka wada-hadleen, balse ay jiraan qodobbo dastuuri ah oo ka tanaasuli waysay.

Wassiirka ayaa sheegay in wadahadallada loo saaray guddiyo farsamo, kuwaasoo ka hadlay arrimo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin:

1. Maamul Sameynta Jubbooyinka iyo Federaalka
2. Dekedda iyo Garoonka
3. Amniga iyo Ciidamada
4. Dib u heshiisiinta iyo
5. Dib u xoreynta deegaannada dhiman

“Xukuumaddu waxay aad isugu dayday inay wixii tanaasul ah oo ay sameyn karto ay sameyso, balse waxaa soo baxay qodobbo dastuuri ah oo in laga gudbo ay aad u adkaatay, waayo dastuurka waa midka keliya ee ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay heshiiska ku yihiin,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Dhinaca kale, Raysal wasaaraha ayaa sheegay in shirka lagu wado in maamulka loogu dhiso gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uusan waafaqsaneyn habka sharciga ah ee ay tahay in ay ku dhismaan maamul goboleedyada dalka, wuxuuna shirkaas ku tilmaamay mid aanu ka soo bixi karin maamul goboleed rasmi ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here