Raysal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub

Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socda midowga Yurub oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu tilmaamay in booqashadii maanta Muqdisho uu ku tegay ku xigeenka Xog-hayaha guud ee dhaqdhaqaaqa adeegga dibadda ee Midowga Yurub, Maciej Popowski ay ka marag kacayso sida uu u xoogaysanayo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya kaddib sanado dalku uu go’doonsanaa.

Wuxuu ku ammaanay Midowga Yurub taageerada maaliyadeed ee uu shanti sano ee la soo dhaafay siinayay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo booliska Soomaaliyeed, iyo kaalinta Midowga Yurub uu ka qaatay tababarrada ciidanka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay laf-dhabar u yihiin amniga qaranka sanado badan oo socda.

Ku xigeenka Xog-hayaha guud ee dhaqdhaaaqa dibadda ee Midowga Yurub, Maciej Popowski ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirka arrimaha gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed. Waxay labada dhinaca ka wada hadleen qorshayaasha dowladda ay ku horumarineyso waaxda ammaanka iyo sida taageerada dhinaca ammaanka ee EU ay siiso Soomaaliya loogu dabakhi karo qorshayaasha cusub ee dowladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here