Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Turkiga

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in uu ra’iisal wasaaraha si wayn u cambaareenaayo qarax dhawaan ka dhacay soohdinta u dhexaysa  Turkiga iyo Syria.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay 43 qof, halka  in ka badan 100 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iy ehelada dadka ku waxyeelloobay qaraxyada, wuxuuna si deg-deg ah u rajeeyay dhammaan dadkii ku dhaawacmay weerarka.

“Soomaaliya waxaa ka dhacay falal argagaxiso oo la mid ah kan Turkiga ka dhacay, dalkeennuna wuxuu nasiib u yeeshay inuu helo taageerada dowladda Turkiga iyo shacabkeeda. Waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoysaska iyo ehelada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka,” ayuu raysul wasaare Shirdoon ku yiri war-saxaafadeedka.

Raysul wasaare Shirdoon wuxuu midnimo u muujiyey dowladda Turkiga iyo shacabkeeda. Wuxuu ugu yeeray bulshada caalamka inay ku midoobaan dagaalka lagula jiro argagaxisada si loo yareeyo khasaaraha soo gaaraya dadka rayid ah ee aan waxba galabsan.

Wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa fal aad u xun, wuxuuna rajo ka muujiyay in dambiilayaasha si deg-deg ah loo aqoonsan doono lana hor geyn doono caddaaladda.

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay sirdoonka Syria inay ka dambeeyeen qaraxa, hase ahaatee dowladda Syria ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay qaraxyada labada gaari loo adeegsaday ee ay ku dhinteen 46 qof.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here