Raysal Wasaaraha oo tagay Yemen

Wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta gaaray dalka Yemen, waxaana uu casuumaad ka helay madaxda dalkaas.

Wafdigga ra’iisal wasaaraha waxaa ka mid ah wasiirka gaashandhigga iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas kaddib kulan la qaatat  madaxda dalka Yemen waxaana ay ka wada hadlay iskaashi cusub oo dhex mara dowladaha Soomaaliya iyo Yemen.

labadooda

Cabdi Faarax Shirdoon oo Sanca kula kulmay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Yemen Cabdu Rabbuh Mansuur iyo Maxamed Saalim ayaa ugu mahad-celiyay gogosha ay dowladda Yemen u fudisay qaxootiga Soomaalida kaddib dagaalladii sokeeya ee ka dhacay dalka.

Wuxuu ugu warbixiyay madaxda dalka Yemen horrumarada kala duwan ee ay gaartay dowladda, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii lagu gaarsiin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda sanadka 2016-ka iyo dastuur rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.

“Waxaan ku soconnaa dariiqii aan ku gaarsiin lahayn Somalia inay ka dhacdo doorasho xor ah oo dadweynuhu ay ku xushaan cidda ay u arkaan inay dalka hoggaamin karto iyo hirgalinta dastuur rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato, waxaa sidoo kale aan ku guda jirnaa shirar dib-u-heshiisiineed oo aan isugu furayno quluubta shacabka Soomaaliyeed, dalka Yemen wuxuu ka mid yahay dowladaha aan jecelnahay inay gacan ka gaystaan sidii loo xaqiijin lahaa dhammaan is-bedelladaas aan rabno in dalka ay ka dhacdo,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ku sheegay hadal uu jeediyay.

Madaxweynaha dalka Yemen Cabdu Rabbuh Mansoor  ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u muuqato inay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii dalka ka dhacay, isagoo ballan-qaaday in dowladdiisu ay gacan ka geysan doonto dedaallada caalamka ee lagu doonayo horumar iyo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dowladda Yemen kaalinta ay ka qaateen soo dhaweynta qoxootiga Soomaaliyeed iyo in la dagaallanka burcad-badeedda, wuxuuna codsaday inay taakulayn u fidiyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen iyo sidii wadajir la isaga kaashan lahaa loogana hortagi lahaa tahriibka

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay kulan la qaataan jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Sanca ee dalka Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here