Raysal wasaaraha oo soo dhisaya xukuumadiisa

Ra'iisal wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed
Ra’iisal wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhawaan codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa wuxuu bilaabay in uu soo dhiso golaha wasiirada xukuumadiisa.

Ra’iisal Wasaaraha cusub, ayaa waxa uu wada tashiyo la bilaabay dhinacyo kala duwan, si Golahiisa Wasiirada ay u noqdaan, kuwo uu meel mariyo Golaha Shacabka.

Mudane Cabdiweli Sheelkh, ayaa wuxuu kulamada ugu horeeyo uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Prof.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhinaca kale waxaa jirta caqabad Ra’iisal Wasaaraha ka heysata Golaha Wasiirada cusub, iyadoo Xildhibaanada  Baarlamaanka ay intoodu badan diidan yihiin, in la soo celiyo qaar kamid ah Golihii Wasiirada ee Saacid. Halka Madaxweynaha uu daneynaayo in la soo celiyo xubno kamid ah Wasiiradii Shirdoon.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la aamisan yahay in uu xusulduub ugu jiro, sidii lagu soo celin lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdiqaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here