Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay, wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo u hoggaaminaayo Dr Shamsu bari oo ah khabiir ka socda dhinaca xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey.
Kulanka labada masuul oo ahaa mid albaabada uu xiran yahay ayaa waxaa looga hadlay wax yaabo badan oo ay ka mid tahay heerka uu gaarsiisan yahay xuquuqda aadanaha dalka.
Markii uu shirka soo dhammaaday waxaa si wadajir ah saxaafadda la hadlay ra’iisul wasaaraha ka iyo Dr. Shamsu Baari Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in madaxda ka socota QM ay isla meel dhigeen qorshaha dowladda ee la xiriirra arrimaha Xuquuqul Insaarka iyo sida ay uga go’an tahay horumarintooda.
Wuxuu intaas sii raaciyay in si simman loo wadaagi doono dhammaan howlaha dowladda, isla markaana ay ku dadaallayaan in la fududeeyo waxqabadka hey’adah ay sida gaarka ah u quseyso arrimaha Xuquuqul Insaanka, sida Dastuurka dalka uu sheegayo.
Dhinaca kale Dr Shamsubari oo ah khabiir wax badan ka garanaya arrimaha xuquuqul in saanka ayaa sheegay in kulan ay ra’iisal wasaaha la yeesheen uu ahaa mid weyn, isla markaana uu helay xog badan oo ku saabsan arrimaha xuquuqul in saanka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Soomaaliyana in ay diyaar u tahay in ay kaalinta uga aaddan ilaalinta Xuquuqul Insaanka in ay qaadato.
Sidoo kale, waxaa uu ra’iisal wasaaraha la kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Geneva Yuusuf Babari, waxeyna ka wada hadleen ilaalinta iyo soo celinta xuquuqul Insaanka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com