Raysal wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay

Raysal wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay
Raysal wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka qaybgalay shirar caalami ah oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Raysal wasaaraha ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho wuxuu la hadlay saxaafada isagoona ka warbixiyay safarka uu ku tagay Switzerland iyo wax yabaha u qabsoomay.

Ra’iisal wasaarah aaya sheegay intii uu joogay Geneva in uu la kulmay madax ka tirsan dalkaas oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibeda Switzerland, waxaa kaloo uu sheegay ra’iisal wasaare Cabdiweli in uu heshiisyo la saxiiday ururka shaqaalaha adduunka ee ILO.

Wuxuu ku tilmaamay safarkiisa in uu ahaa mid ku soo dhamaaday guul taarikhi ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu dambeyn soo dhaweeyay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo magaalooyinka looga qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here