Raysal wasaaraha Jabuuti oo is-casilay iyo xukuumad cusub oo la soo dhisay

Madaxweyne Ismaacil Geelle oo soo dhisay xukuumad cusub
Madaxweyne Ismaacil Geelle oo soo dhisay xukuumad cusub

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa  maanta ah isku-shaandhayn ku sameeyey golihiisa Wasiirrada kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaarihii Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo ay ku qornaayeen golaha wasiiradda cusub iyo ra’iisal wasaaraha ayaa galabta waxaa u akhriyay saxaafadda, xoghayaha guud ee dowladda Jabuuti Maxamed Xasan.

Wuxuu xoghayaha sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu maanta ka aqbalay iscasilaadiisa Ra’isul wasaarihii hore ee Jabuuti Dileete Maxamed.

Mr, Maxamed Xasan ayaa sheegay  in madaxweynaha Jabuuti  uu ra’iisal wasaaraha cusub u magacaabay Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, oo horrey u ahaa wasiirka gaashandhigga.

Sidoo kale madaxweynaha wuuxu soo dhisay golaha wasiirradda cusub, waxaana 7-ka mid ay yihiin wasiiro horrey uga tirsanaa xukuumadii uu hoggaaminaayay ra’iisal wasaaraha xilka ka degay. halka shan wasiir ay ka yihiin kuwa cusub.

Ilaa hadda lama sheegin wax yaabaha sababta u ah in uu is-casilo ra’iisal wasaarihii hore dalka Jabuuti, laakin waxaa la lee yahay waxaa jirra cadaadis dowladda uga imaanaya dhinaca beesha caalamka iyo kooxaha mucaaradka gudaha.

Xisbiyada Mucaaradka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa labo maalin ka hor ku dhawaaqay inay soo dhisayaan baarlaman cusub oo matalaya dalka Djibouti. Mucaaradku waxay sheegeen in Xisbiga mucaaradka ee SNU uu boqolkiiba 80% qaadan doono kuraasta  baarlamaanka cusub ee ay sameynayaan, halka 20% ay qaadan doonaan xisbiga talada haya UPN iyo CDU oo isna ah xisbi mucaarad oo dhex-dhexaad ah.

Maxamed Axmed Yuusuf Afhayeenka Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti, ayaa VOA uga waramay inay sida ay ugu dhaqsiyaha badan u soo dhisayaan baarlamaan cusub.

Mucaaradka ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn dib u doorashada guddoomiyhii hore ee baarlamaanka oo dib loogu doortay afhayeenka baarlamaanka cusub ee Djibouti.

Golaha dastuurka Djibouti ayaa horey ugu dhawaaqey in xisbiga talada haya uu 80% uu ku guuleytay doorashadii baarlamaanka ee bishii hore lagu qabtay Djibouti.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here