Raysal wasaaraha iyo wafdi ka socda IGAD oo Muqdisho ku kulmay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga IGAD waxaa hoggaaminaayay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Eng:  Maxbuub Macalim waxaana ay kulamo albaadan uu xiran yahay la qaateen ra’iisal wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumada.

Sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya,C/llaahi Cilmooge wafdiga in ay yimaadaan magaalada Muqidisho waxaa lagu  go’aamiyay shir bishan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia,  waxaana ujeeddadoodu tahay sidii ay warbixin uga diyaarin lahaayeen arrimaha gobollada Jubbooyinka.

Mar uu saxaafadda isna la hadlay xoghayaha IGAD ayaa sheegay in magaalada Muqdisho u yimaadeen siddii ay u ogaan lahaayeen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan caasimada, isagoona intaas ku daray in ay kulamo la qaateen shacabka Muqdisho.
“Sidaan la socono Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay ururka IGAD, waxaana loo asaasay ururkan arrimaha horumarka dalalka ku yaalla bariga Afrika, imaatinkeenna Soomaaliya wuxuu jawaab u yahay dalabkii madaxweynayaasha IGAD ee shirkoodii aan caadiga ahayn ee ay ku yeesheen magaalda Adis-Ababa horaanta bishaan. Illaa iyo intii aan soo gaarnay Muqdisho waxaan kulammo la yeelanay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaase muhiimad gaar ah noo leh kulankan aan la qaadanayno ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xubnaha ka tirsan golihiisa wasiirrada,” ayuu yiri Eng. Maxbuub.

Wasiirka warfaafinta ayaa isna sheegay in dowladdu ay u gudbisay guddigan mowqifkeeda ku aaddan xasilinta dalka iyo maamul u samaynta gobollada, dowladduna ku salaynayso qorshaheeda war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii 21-aad ee ay isugu yimaadeen madaxweynayaasha urur-gobleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis-Abab saddexdii bishan May.

Ma cadda in kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhex-maray ra’iisal wasaaraha iyo wafdiga ka socday IGAD in looga hadlay arrimaha Jubbooyinka gaar ahaan maamulada looga dhawaaqay halkaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here