Raysal wasaaraha iyo Faroole oo Jabuuti ku kulmay

Shirdoon-iyo-Faroole-300x225War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysul wasaaraha Soomaaliya,ayaa lagu sheegay in raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxweynaha Puntland, CabdiraxmaanFaroole ay xalay kulan ku qaateen dalka Jabtuu kaasoo saacado qaatay isla markaana looga hadlay arrimo dhowr ah.

Sida lagu sheegay warka qoraalka, kulanka ayaa la sheegay in uu billow u yahay wada-hadal dhex mara labada dhinac mustaqbalka dhow.

Labada dhinac ayaa la sheegay in ay kulmeen markii casho sharaf ay qaateen wufuudda raysul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku rajo weyn in uu furmo wada-hadal rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga raysul wasaaraha ee ka qeyb-galay kulanka cashada waxaa ka mid ahaa wasiirka gaashaandhigga, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga, wasiir ku xigeennada ganacsiga iyo khayraadka, halka dhinaca wafdiga madaxweynaha Puntland ay ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo caafimaadka ee Puntland.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda dhexe ee Muqdisho iyadoo sheegtay in wax laga baddalay dastuurka federaalka Soomaaliya, eedeyntaas oo madaxda sare ee dalka ay beeniyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here