Ra’yigaaga ka soo dhiibo wasiirada cusub ee Soomaaliya?

Ra'iisal wasaaraha oo magaacabay wasiiraddiisa cusub
Ra’iisal wasaaraha oo magaacabay wasiiraddiisa cusub

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa xaley saqdii dhexe wuxuu magacaabay xubnaha cusub ee golaha wasiiradiisa, kuwaasoo maalmahan aaad loo sugaayay.

Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha ayaa ka kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen.

Haddaba xubnaha la magacaabay ayaa is casilay maanta oo Jimco, waxaana ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo diiday xilka wasiir ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada oo uu xalay u magacaabay raysul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa kaloo is casilay Siyaasiga Cabdikaafi Xasan Macallin oo loo magacabaay xilka wasiir ku-xigeenka Biyaha iyo Tamarta,

Cabdikaafi ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn xilligan inuu ka mid noqdo golaha wasiirrada, isagoo xusay inaan lagala tashan markii lagu soo darayay liiska golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah.

Maxaa Golaha wasiirada habeen madow oo xili dambe ah keenay in lagu dhawaaqo iyadoo maalin cad la heli karay ?

Ma yihiin kuwii ugu haboonaa ee wax ka qaban lahaa xaallada dalka?

Maxaa keenay in liiska cusub lagu soo daro xubno horrey uga tirsanaa wasiiradii xukuumadii Saacid isla markaana gacan saar la leh Madaxweynaha?

Dhammaan jaawabaha su’aalahan halkan hoose ku soo qor/ Mudane iyo Marwo?

8 COMMENTS

  1. Anigu waxaan qabaa in aan iimaansano waxii lagu dhawaaqay insha alaah waxaan ku sugaynaa inta Dawlad goboleedyada lagu dhamaystirayo. ilaa soomaali lugooyo waa iskala dhamaanwaydaye.
    markii puntland, jubaland, koonfurgalbeed,somaaliland iyo intii israaci doonta ay timaado ayaan ka wada hadli doona magaala madaxda iyo awoodqaybsi.
    aan kusugno iimaansano inta waxa noo karsamaya ay bislaanayaan

  2. Wasiiradan maaha kuwa dadka wax u qababaya ee waa kuwa laga magacaabay Baarlamaanka si markiiba loo ansixiyo. Dhanka kale afartanka xildhibaan ee wasiirada noqday mee xilkii loo dhaariyey ee ummaddu u igmatay ?. Miyey arrintan la mid ahayn qoysaskii xeryaha qaxootiga ee qoys walba afar iyo shan kaadh oo raashinka lagu qaato sameystay oo siyaado ah. Xagan anaa jooga xaggana ani lee jooga maahinoo dalkana shaqa la’aan badanaa ka jirta, kuwii wax ka qaban lahaa ayaa labo labo shaqo dadka kaga fadhiya ee ha laga hadlo.
    Qumbe

  3. waxaan rajeyneynay in aan ugu farxi doono magacaabista wasiirada sidii loogu farxay ra iisulwasaaraha magacaabistiisi laakiin daahida wasiirada waxay na gelisay rajo xumo mudo dheer ka bacdi wasiirada lamagacaabay oo bacdigood is casileen iyo tiradooda oo aad u badan khilaafka baarlabaanka ka jira magacaabista tarsan oo aan u arko fashil aad u weyn sababtoo ah tarsan meesha uu hayo ayaa ka muhiimsan meesha loo magacaabay intaas oo dhan ka bacdi waxaan leeyahay wasiirada cusub haday khayr noo yihiin ilaahay ha garabgalo howshoodana alaha u fududeeyo hadii kalana kuwo ka khayr badan ilaahay ha noogu badalo aamiin habeen wacan iyo anigoo idin leh allahayoow umadeenu tii israacda ay ahaato aamiin

  4. haddii aan ka dhiibto ra igeyga dowlada hadda la dhisey wax ay soomaaliya u soo kordhineyso ayaaba iska yer ,maxaa yeeley sidey ubadan yihiin waa xilibaan , waa kuwii dalka kharibey oo horey ugusocowaayey. horeyna xilal u sooqabteen oo wax laga faa iidey majiro hadana waa sidaas iyo si lamid ah. wabilaahi towfiiq.

  5. 25 wissiir, 25 wassiir ku xigeen, 8 wassiirul Dowlo, 50 xoghayn, oo lagu daray Staf hubaysan oo kiiba uu wato 15 ugu yaraan Stafka kaliya waa 750, isu geyntooda guudna qiyaastii waa 1000 oo weliba qaraabo qabiilo wata ma inuu Biilka uun ka helaa Dekada iyo Airporka Xamar nin xafaduu ka yimi haben ku hoyan karana ma jiro, Dowladii R/W Saacid oo ahayd 25 Wassiir iyo 20 istaaf iyo Xoghayn is wata aa la eryay laguna yiri waxba ma qaban kartaan, 1000 Biil doona weliba Ilmahooda Qaxooti U jiraan, maxay bedeli karaan? jawaab qofkasta wa hayaa ee aan isu keeno maskaxda fikir nadiifana dhiibano weli wa noolnahay wadanka wadan noo bedela ma hayno si kastoon 25 sano u qaxeeynay,

  6. Sc

    Walaalayaal waxaan idin leeyahay dowladaan wey fashilantay,
    Mana filaayo in ay umadda samatabixin kato. Dadki kartida lahaa ee shalay umadda wax u qabanayay liiska waa laga reebay sida ceelmooge, gabadhi waxbarashada IKL AH.

    MARKA WAXAAN LEEYAHAY SOOMAALIYEY ISKU TASHADA CID WAX SHACABKA U QABANEYSO MA JIRTO,

    NABADGELYO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here