Ratko Mladic oo lasoo taagay maxkamada ICC

Taliyihi hore ee ciidamada Seerbiyiinta Bosnia Ratko Mladic ayaa maanta lasoo taagay maxkamada Danbiyda Dagaalka Caalamiga ah ee Hague, iyadoo lagu soo eedeeyey maanta danbiyo la xiriira inuu isir naceyb u xasuuqay dad kasoo jeeda Bosnia.

Gen Mladic ayaa wajahaya 11 danbi oo dagaal iyo qaar ka dhan ah bani,aadannimada oo ay ku jiraan xasuuq iyo isaga oo lala xiriirinayo dilki wuxushnimo ee kumanyaal ruux oo loo geystay inti uu socday dagaalki Bosnia inti u dhaxeysay 1992-95.

Dacwad oogayaasha Maxkamada The Hague ayaa sheegay in ay gacmihiisa ku tusin doonaan danbiyada uu galay.

Wuxuu soo galay maxkamada isaga oo suulasha kor yaatagaya sacbinayana, waxa kale oo uu sheegay inuusan wax danbi ah la heyn.

Danbiga sida gaarka ah loogu heusto ayaa ah dil loo geystay 7,000 oo Muslimiin ah oo isugu jira dhalinyaro iyo odayaal oo lagu laayey deegaanka Srebrenica sanadki 1995.

Waxaa kale oo lala xiriiinayaa go,doon la geliyey mudo 44 bilood ah magaalada Sarajevo halkaas oo ay ku dhinteen 10,000 oo ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.