Rasmi: Liverpool oo gabi ahaanba isaga hartay saxiixa van Dijk.

War saxaafadeed kazoo baxay maamulka Liverpool ayaa si rasmi ah loogu shaaciyay in kooxda ay gabi ahaanba isaga baxday doonisteedi daafaca reer Holland iyo kooxda Southampton Virgil van Dijk.

Liverpool ayaa raaligalin siisay mulkiilaha, jamaahiirta iyo kooxda Southampton waxayna si cad u sheegtay in ay gabi ahaanba ka baxday xiisihii ay u haysay Virgil van Dijk taas oo cadho wayn ku abuurtay jamaahiirta Liverpool ee sugayay in Virgil van Dijk uu dhawaan soo gaadhayo Anfield.

kooxda Southampton ayaa maamulka Premier Leaque-ga uga dacwootay qaabka ay Liverpool xidhiidhka ula samaysay Virgil van Dijk isla markaana uu Jurgen Klopp lkfariimo joogto ah ugu dirayay xidiga ree Holland.

War saxaafadeedka Liverpool ka soo baxay ee looga hadlay Virgil van Dijk ayaa lagu yidhi: ” Kooxda kubbada cagta Liverpool waxay jeceshahay in ay muujiso sida ay uga qoomamoonayso wararkii xanta ahaa ee saxaafada ee la xidhiidhay kooxda kubbada cagta Southampton iyo la wareegista ciyaartoyga ee labada kooxood”.

Liverpool oo raali galin bixinaysa ayaa qoraalkeeda lagu yidhi: “Waxaanu raali galinaynaa mulkiilaha, boodkaha iyo jamaahiirta Southampton ee wax kasta oo fahan daro ah oo la xidhiidha Virgil van Dijk”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here