Ranieri, Santos iyo Zidane oo ku tartami doona macalinka sanadka

612Xiriirka kubadda cagta ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan (FIFA), ayaa soo saaray 3da macalin ee ku tartami doonta abaalmarinta macalinka ugu wanaagsan sanadkan sii dhamaanaya ee 2016.

Sadexda macalin ee abaalmarintan ku tartami doonta ayaa kala ah Macalinka reer Italy Ranieri, Macalinka Faransiiska iyo Real Madrid Zidane iyo macalinka xulka Portugal Fernando Santos.

Ranieri ayaa kooxda Leicester markii ugu horeysay taariikhda ku hogaamiyay ineey sanadkii tegay hantaan Horyaalka Ingiriiska, Fernando Santos ayaa isna markii ugu horeysay Xulka Portugal ku hogaamiyay ineey hantaan Koobka Qaramada Yurub, Halka Zidane uu Real Madrid ku hogaamiyay Koobkeedi 11-aad ee Champion League.

Tartankan waxaa isaga haray Macalinka Atletico Madrid Zimone, Macalinka Tottenham Maurisio Pochettino iyo macalinka reer Spain Man City Guardiola.

FIFA ayaa ku dhawaaqi doonta 9 January macalinka sanadka markaasoo Xaflad weyn lagu qaban doono magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here