
Vadim Vasilyev, oo ah madaxweyne ku-xigeenka kooxda AS Monaco, ayaa shaaciyay in Claudio Ranieri uu ka tagi doono kooxda xilli cayaareedkan.
Ranieri ayaa kooxda u qaaday horyaalka Ligue 1 sannadkii 2012 waana markii uu yimid kooxda.
Kooxda Monaco ayaa si toos u tagi doonta koobka Champions League kaddib markii ay ku dhammeestay kaalinta labad, waxay sagaal dhibcood ka hooseesay koooxda horyaalka ee Paris Saint-Germain.
“Waxaan xaqiijinayaa in Ranieri uu ka tegayo Monaco,Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo Claudio shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay halkan, Waa ay adagtahay go’aankan ma ahan wax sahlan in koox ay gasho kaalinta labaad horyaalka kana qeybgasho Champions League, balse waxaan u baahahanay isbadal cusub” Vasilyev ayaa siddaas saxaafadda u sheegay.