Ramos :Real Madrid ma ahan koox nasiib fiican leh haddii ay ku soo aaday Galatasaray

Sergio Ramos ayaa ka dhawaajiyay in kooxda Real Madrid nasiibkeeda uu xumaaday, markii ay isugu soo aadeen kooxda Turkiga Galatasaray, wareega rubac namaadka ee tartanka kooxaha qaaradda Yurub.

Isagoo la hadlaayay wargeyska Marca, ee ka soo baxa dalka Spain, ayuu Ramos, yiri” “Waan in aan is ilaalinaa inta aan ku ciyaareyno gurigeena oo wax gool ah nalaga dhalin, waxaa hubanti ah in u socdaalida dalka Turkiga uu dhib nagu yahay,” Ramos.

Wuxuu intaas ku daray in ay isku soo aadan Galatasaray in uusan ahayn nasiib fiican oo koox kale ayaan ka jecleen.

Ramos ayaa xaqiijiyay in ay jecleen lahaayeen marka laga reebo Galatasaray, in ay isku soo aadan kooxaha kale ee ka qaybgalaya tartanka wareega seddaxaad.

Kooxda Turkiga waxaa u ciyaarta seddax ka mid ah ciyaartoy horrey macalin uu ugu soo noqday Jose Mourinho, waxaana ay ciyaartooda dhaceysa Arbacada soo socota.

Lugta horre ayaa ka dhaceysa garoonka Bernabeu .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here