Ramos oo sheegay inuu Tikid u diray Pique balse uusan wali usoo jawaabin

Markaan Ramos ayaa weerar ku qaaday daafaca Barcelona Pique wuxuuna weerarkiisa kusoo beegay ka hor finalka Sabtida ee koobka UEFA Champions League iyadoo Los Blancos ay markeedii 12aad qaadi karto koobkaan haddii ay garaacdo Juventus, sidoo kalena noqon karto kooxdii ugu horreysay ee koobkaan difaacata tan iyo markii magacaan loogu wanqalay.

Kabtanka Real Madrid Ramos ayaa saxaafadda u sheegay ka hor finalka ka dhacaya caasimadda Cardiff ee dalka Wales: “Tikikh casuumaad ah ayaan u diray Piqué si uu u daawado finalka UEFA Champions League, balse illaa haatan jawaab kama helin”.

Ramos wuxuu cusbo usii yeelay hadallada kulul ee ay isdhaafsanayeen isaga iyo Pique xilli ciyaareedkaan oo dhan, daafaca Barcelona ayaana intii lagu jiray tartanka UCL xilli ciyaareedkaan wuxuu su’aal geliyey laba gool oo offside ah oo ay dhalisay Los Blancos gaar ahaan kulankii ay wajahday Bayern Munich.

Sidoo kale labadaan xiddig ayaa isku dhacay intii lagu jiray ciyaartii ugu dambeysay ee El Clasico, markaasoo Ramos ciyaarta laga saaray ka dib markii uu qalad ku galay weeraryahanka kooxda Barca Lionel Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here