Ra’isulwasare C/wali oo maanta Muqdisho kaga dhawaaqay qorshe cusub (Dhageyso)

Ra’isulwasaaraha Xukumada KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa maanta Muqdisho kaga dhawaaqay qorshe ay dhamaan Golaha wasiirada u hor imaanayaan shacabka iyaga oo kala hadlaya warbaahinta dowlada.

Ra’isulwasaaraha oo goor dhaweyd la hadlayey idaacada Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshahaan oo socon doono todobaad ay Golaha Wasiirada maaliba ay qaar ka hadlayaan idaacada iyo TV-ga qaranka si dadka ay ugu sheegaan wax qabadkooda.

Muhiimada ugu weyn ayuu ku sheegay in dadka ay ogaadaan waxqabadka xukumadiisa mudad afarta bilood ee ay jirto iyo sidi ay shacabka ula xisaabtami lahaayeen wasiirada.

“Marki aniga ley magacaabay barlamaanka waxaan u geeyey barnaamijka xukuumada, hada waxaa noo dhamaaday afar bilood iyo xoogaa, waxaan ka xukumad ahaan rabnaa in aan shacabka u sheegno wax qabadki xukumada si ay ula socdaan waxa aan qabaneyno, marka in aan u sheegno shacbiga Soomaaliyeed xukumada maxa heysaa,” ayuu yiri.

Mar la weydiyey ka waran hadii ay soo baxaan dhaliilo ku aadan xukumadaada ayuu ku jawaabay: “Waxa weeye waa la kala baxyaa waayo qofka mas,uulka ah xil baa loo dhiibay wax qabad baana la rabaa, marka waa in waxqabadki la muujiyaa hadi aan taa ka gaabino mas,uuliyadeeda ayey yeelan doontaa, qofka wuxuu mas,uul ku noqon karaa in shacabka ay dhaliilaan ama amaanaan, in lala xisaabtamo waa muhiim qof walbaa”.

Dhanka kale ra’isulwasaaraha ayaa shaaciyey inuu dib u dhacay shirki wadatashiga ee Salaasada lagu waday inuu ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

“Shirka qaban qaabadiisa waay socotaa baryo inuu dib u dhaco waa laga yaabaa laakin shirka wuu qabsoomayaa oo wuu dhacayaa, shirku waa muhiim laakin waxaa laga yaabaa inuu baryo dib u dhaco,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ku hanjabay in ay iskood u tashan doonaan hadii uu dhici wayo shirka waqtigi loogu tala galay.

Dhageyso Barnaamij Waxqabadka Xukuumadda

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com 

midnimo12@googlemail.com