Ra’isulwasaarihi hore oo la dar daarmay Ra’isulwasaaraha cusub

Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliy, Abdiwali Maxamed Cali ayaa dar daaran u jeediyey ninka booskiisa loo magacaabay ee Ra’isulwasaaraha cusub.

Dr. Abdiwali Gaas ayaa hadal uu siiyey warbaahinta ku sheegay inuu ku kalsoonyahay Ra’isulwasaaraha cusub Abdi Farax Shirdoon isla markaana wax ka qaban karo dalka.

“Saacid waxaan ku aqaanaa nin wanaagsan aqoon fiicanna leh, marka waxaan rumeysanahay inuu soo xuli doono wasiiro fiican marka xukumada uu soo dhisi doono waxaan u rajeynayaa mid wanaagsan in ay noqon doonto,”

Wuxuu kula dardaarmay inuu u dul qaato culeyska mas,uuliyada isla markaana si cadaalad ah wax ugu qabto umada Soomaaliyeed.

Mr. Shirdoon ayaa Sabtidi lasoo dhaafay loo magacaabay xilka, isaga oo kala wareegay Ra’isulwasaarihi hore C/wali Gaas.

Howsha ugu horeysa ee hortaala ayaa ah inuu soo dhiso xukuumad kooban oo taye leh, iyo sidii uu u marsiin lahaa baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here