Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya C/qadir Farax Shirdoon ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukumad tayo leh.
Hadal uu jeediyey waxyar kadib marki xilkaasi uu u cayinay madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in xukumada uu soo dhisi doono aysan dulqaad u yeelan doonin musuq maausuqa, waxa kale oo uu sheegay inuu ka leexan doono wax walba oo u keeni kara qilaafka hogaamiyaasha Soomaalida.
TAARIIKHDIISA OO KOOBAN
Ra’isulwasaaraha cusub wuxuu ku dhashay gobolka Galguduud sanadki 1958-ki, waxa uu waxbarashadiisa sare kusoo qaatay Muqdisho sanadihi 1970-aadki isaga oo ka baxay kulliyada dhaqaalaha ee Jaamacadi Umada.
Inti u dhaxeysay 1983-85 ka shaqeeyey wasaarada maaliyada ee Soomaaliya oo uu ka noqday dhaqaala yahan.
Wixi ka danbeeyey sanadki 1991-ki ee ay bur burtay Dowladi dhexe, waxa uu dagay Nairobi isaga oo tan iyo markaasi ahaa ganacsade.
Ra’isulwasaare Shirdoon waxaa u dhaxda xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi oo u dhashay afar caruur ah.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.