Ra’isulwasaare ku xigeenka Turkiga oo goor dhaw la filayo inuu Muqdisho soo gaaro

Waxaa goor dhaw lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo.

Wafdigan ka socda Turkiga ayaa waxaa ay isugu jiraan ganacsato, wasiiro iyo diblamaasiyiin waxaana haatan garoonka diyaaradaha Adan cade ee magaalada Muqdisho ku sugan madax ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya, Safiiro iyo marti sharaf loogu tala galay in ay soo dhaweeyaan madaxda.

Ujeedada ugu weyn ee imaanshiyaha wafdiga heerka sare ee Turkiga ayaa lagu sheegay sidi ay u bilaabi lahaayeen Turkiga mashaariic dib u dhis oo uu horay u balan qaaday Ra’isulwasaaraha Turkiga sanadki lasoo dhaafay.

Arrimaha ugu xiisaha badan ayaa ah iyadoo wafdigan ay qeyb ka yihiin madaxda shirkada Turkish Airlines oo ku dhawaaqi doono maanta in ay bilaabayaan dulimaadki rasmiga ahaa ee Somalia iyo Turkiga.

Garoonka diyaaradaha Adan Cade ayaa waxaa lagu xardhay calamada Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana amaanka si weyn u adkeeyey ciidamada AMISOM.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.