Ra’isulwasaare Gaas oo u duulay Magaalada Nairobi iyo Shirka saxiixayaasha Roadmap oo biri furmaya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa maanta ka dhoofay garoonaka diyaaradaha ee Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, Isagoona ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo maalinta bari ah shir looga hadlayo Arrimaha Roadmap-ka ka furmi doono. waxaana Ra’iisul Wasaaraha socdaalkiisa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbixin ka bixiyay socdaalkii ku aadan Magaalada Nairobi, Wuxuuna sheegay in socdaalkiisu uu yahay shir maalinta bari ah kaga qeyb galayo saxiixayaashii Roadmap-ka ka furmi doono Magaalada Nairobi kaa oo lagaga hadlaya arrimaha gedi socodka nabada ee Roadmapka, iyo Dhameystirka iyo soo afjarida xilliga Kumeel gaarka ah.

Wuxuuna intaa ku daray in Roadmap-ka uu meel wanaagasan marayo hormar badana laga sameeyay islamarkaana xusay in waxyaabaha kale oo ka dhiman la dhameystiri doono, taana waa mida hadda uu socdaalkeyga ku wajahan yahay sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman Roadmap-ka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay shirka inuu socon doono mudo labo maalimood ah, wuxuuna xusay inuu rajeynayo iney ka soo baxaan wax Umadda Soomaaliyeed aayaheeda dan u ah, si wanaagsan oo guul ahna uu ku dhamaan doono.

Xigasho: Xafiiska Ra’isulwasaaraha

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. ROAD MAP MA AHEE WAA ROAD BLOCK SIDA AY UGU TALA GALEEN KUWA LAGU MAGACAABO SAXIIXEYAASHA.

    ROAD BLOCK AMA ISBAARO HADBA SIDA AY SOMALIDU U TAQAAN WAA FAL AY XARIIF KU YIHIIN SAXIIXEYAASHA UGUNA SUURTO GASHEY INEY KU LAAYAAN SHACAB FARA BADAN, KU DHACAAN HANTIDII QARANKA IYO TAN MASAAKIINTABA OO HADDANA WELIBA AY KU GAAREEN JAGADA MADAXTIMINADA DALKA.

    WAA YAABKA YAABKIISA MARKA RUUX U JIDEYSTO DULMIGA MISANA UU U MALEEYO INUU SAX KU YAHAY KADIB MARKII UU WAAYO QOF RUNTA U SHEEGA, UNA DHEER TAHAY IN LACAG IYO KHARASH AY KU SIISO BEESHA CAALAMKU WAA HALKA AY SARTU KA QARMUUNTEY, DULMIGANA UU KU DEBEDELEY XAQQA, XAQQANA LAGU AASEY.

    NIMANKAAN LAGU TILMAAMEY SAXIIXEYAASHA WAXEY GO’AANSADEEN INEY KU SII NAGAADAAN MANSABKA AY XAARAANTA KU SOO KOREEN , WAXEYNA DOONAYAAN OO AY KU SOO HESHIIYEEN INEY CAALAMKA U TUSIYAAN INUUSAN ROAD MAPKA KU DHAMAAN KARIN WAQTIGII LOOGU TALO GALEY SIDAASNA AY KU KORDHIOSTAAN WAQTIGA , AMA BEESHA CAALAMKA AY FARA KALA BAXDO HAWSHA ROAD MAAPKA, LOONA DAAYO IYAGA SI AY U SOO XUSHAAN KUWII IYAGA SOO DOORAN LAHAA.

    MARKA TAKTIKADA AY DEJISTEEN WAXEY KU SALEYSAN TAHAY ” WIN WIN SITUATION” OO AH ARRIN MAR KASTA AY GUUL KU GAARAYAAN, WAXEYSE KA WAR HAYNIN IN ARRIMAHAAS OO DHAN AY SOMALIDA HOREY U SHEEGEEN, BEESHA CAALAMKANA XAFIISYADEEDA AY BUUX DHAAFEEN DOKUMENTIYADA LAGU KASHIFAAYO SIRTA IYO DHAGARTA TUUGADAAN SAXIIXAYAASHA LAGU SHEEGEY OO MAR KASTA JAHO WAREER KU HAAYA SHACABKA SOMALIYED IYO CAALAMKABA, LAAKIN TII ALLE MEEL AYEY TAALAA, WAANA ARKI DOONAA MAALIN AY CADAALADDA LA HORKEENI DOONO , LAGULANA XISAABTAMI DOONO DEMBIYADA AY KA GALEEN DALKA, DADKA, DEEGAANKA IYO DUUR JOOGTABA INSHA ALLAH.

Comments are closed.