Ra’isulwasaare Gaas oo talada wareejinaya bisha August

Ra’isulwasaaraha Xukumada KMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in ay diyaarinayaan qorshe ay xukumadiisa ku wareejineyso awooda marka la gaaro bisha August ee sanadkaan.

August ayaa ah waqtiga kama danbeysta ah ee ay ku egtahay dowlada KMG Soomaaliya, waxaana xiligaasi kadib dalka uu galayaa waqti kala guur ah oo ilaa laga gaarayo dowlada rasmiga ah ee Soomaaliya.

“August kadib waxaa diyaar noqon doonta dowlada cusub waanan ku wareeji doonaa awooda, waxa aan ku faraxsanahay waa dowlada KMG oo todobadi bilood ee lasoo dhaafay sameysay horumar uusan qof kasta fileyn, kadib marki ay magaalada ka xoreeynay Al Shabaab,” ayuu yiri Cabdi Wali.

Cabdiwali oo ka mid ah ah Soomaalida ku wax bartay jaamacada ugu caansan Mareykanka ee Harvard ayaa lagu wadaa marka uu dhameysyo shaqadiisa inuu dib ugu laabto macalinnimadiisa oo horay uga ahaa bare jaamacadeed dalka Mareykanka.

Waxa halkaasi uu dib ugula midoobi doonaa xaaskiisa iyo afartiisa caruur, dhawaan waxa uu si dirqi ah uga baxsaday shirqool lagu qaarijin rabay kadib marki uu xaadiray munaasabad ka dhacday Tiyaatarka oo Al Shabaab ay ka sameeyeen qarax ismiidaamin ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. WAXAAN RAJEYNAYAA INUUSAN TALADA KU WAREEJININ LABA SHARIIF IYO TUUGADA AY KU SHAQEYSTAAN.

    HADDII AY SIDAAS DHACDANA SOMALIA WAA DAGAAL SOKEEYE KALE IYO QAX MA HURTO AYEY NOQONEYSAA

Comments are closed.