Ra’isulwasaare Gaas oo shacabka ugu hambalyeeyey munaasabada xoriyada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Maxamed Cali ayaa Hambalyo Udiraya Ku Aadan Sanad Guuradii 52 aad ee Xornimada Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha oo nuqul ka mid ah nasoo gaaray ayaa u dhignaa sida:

Waxaanumadda Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha weyn u leh ee 1-da luuliyo.

Waxaa sharaf ii ah inaan qofkasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu ku nool yahay, la qaybsado caawa farxadda munaasabadda 1-da Luuliyo.

1-da luuliyo oo ah maalintii ay gobolada koofureed qaateen xorriyadda, waxay ka mid tahay maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya umadda soomaaliyeed.

Waxaan u rajaynayaa ummadda Soomaaliyeed inay caawa ila qaybsadaan faraxadda maalinta xorriyadda
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya ka qaado dhibta haysata.

Soomaaliya ha noolaato… Soomaaliya ha israacdo…..Soomaaliya ha midowdo

Ra’sul wasaaraha Soomaaliya
Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Maanta ayaa waxa ay ku beegneyd 1-ka July oo ah marki ay gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka qaateen madaxbanaanida gumeystihii Ingiriiska.