Ra’isulwasaare Gaas oo ka hadlay dagaalada Buuhoodle

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ka hadlay dagaalada iyo colaadaha ka taagan deegaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Dr.Cabdiwali ayaa sheegay in aanan loo baahneyn colaad iyo inuu dhiiga dadka walaalaha ah sii daato, isaga oo ku baaqay  in la damiyo colaada dadka is hayana ay wada yimaadaan miiska wada hadalka.

Ra’isulwasaaraha oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaalada ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom kula jiraan Al Shabaab oo uu sheegay in ay marayaan heerki ugu danbeeyey.

Waxa uu tilmaamay in haatan la gaaray waqtigi gaba gabada Al Shabaab ciidamada dowladana ay qabsanayaan gobolada iyo magaalooyinka dalka oo uu sheegay in ay ugu danbeysay magaalada Baladweyne oo uu tusaale usoo qaatay.
Ugu danbeynti ra’isulwasaaraha ayaa ka hadlay shirka London oo uu sheegay in shirkaasi noqon doono shir loogaga hadlayo aayaha Soomaaliya gaar ahaan nidaamka fadaraaliga ee ay ku dhisantahay dowlada KMG.

Shirka London oo bilaaban doono 23-ka bishaan ayey dadka Soomaaliyeed ka dhur sugayaan waxa uu la imaan doono iyadoo rajo wanaagsanna laga wada muujinayo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.