Ra’isulwasaare Gaas: Madax dhaqameed been abuur ah kama soo qeybgali doono shirka ansixinta Dastuurka

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa meesha ka saaray warar la isla dhex marayey maalmahan oo sheegayey in ay jiraan Isimo been abuur ah oo si indha la,aan ah uga qeybgali doona shirka lagu wado in bisha soo aadan lagu ansixiyo dastuurka.

Ergooyinka lagu wado in ay ansixiyaan oo gaaraya 850 xubnood ayuu sheegay in ay ka imaanayaan beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhamaantood ah buu yiri hogaamiye dhaqameedyo.

“Anagu waa nagu balan in qos madax dhaqameed been abuur ah inuusan kasoo qeybgali doonin, Isim ama Imaam qof dan lihi wato anaga ma yeeleyno, waxaan rabnaa Isim dhab ah inaan soo xulno.

Wuxuu ka digay in ay dastuurka kuwa ansixinaya ay ku feegaaraan, balse loo baahanyahay buu yiri in ay qodob qodob u dul istaagaan kana dooaan.

“Aniga waxaan is leeyahay aqoon daro ayaa noo geysay, anaga waxaan ka dignay in dastuurka lagu feegaaro, waxaan rabnaa si quman inta loo aqriyo loo eego kadibna laga doodo, waxaan rabnaa dastuur Soomaali u qalmo taasi ayaana naga go,an,” ayuu yiri.

Ugu danbeynti beesha caalamka ayuu ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen lacagihi loogu tala galay in lagu barataaro socod siinta barnaamijika Road Map-ka.

“Wadadi aan kaga bixi laheyn KMGnimada looguna gudbi lahaa dowladnimo taam ah, waxaa nooga hirgalay qodobo badan sida xoreynta Shabab, dib u heshiisiinta, dowlad wanaaga iyo tastuubra,  waxaasoo dhan guulo ayaa laga gaaray, laakin beesha caalamka waxay ka gaabiyeen xaga dhaqaalaha iyo maalgelinta,”

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu waqtigu ugu egyahay bisha August, waxaana intaasi kadib loo gudbi doonaa dowlad rasmi ah, taasi oo ay laakin ka sokeyso waqti kala guur ah oo aad u daran.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.