Ra’isulwasaare Gaas: Ciidamada Itoobiya ma bixi doonan ilaa laga xoreynayo Al Shabaab

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in aysan ka bixi doonin ciidamada Itoobiya ee haatan dalka ku sugan ilaa ay meel ka saarayaan ururka hubeysan ee Al Shabaab.

Isaga oo la hadlayey warbaahinta ayuu Mr Gaas oo shalay kula soo kulmay magaalada Beledweyn saraakiisha ciidanka Itoobiya ee halkaasi qabtay sheegay in Itoobiyaanka ay ka saacidi doonaan ciidamada dowlada howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo sidoo kale dhanka tababarka iyo saanadaha milatari.

“Ciidamada Itoobiya waa waaalaheeney waxaan leenahay hal cadaw ilaa inta ay baahideena tahay oo dalka laga xoreynayo waanu wada soconeynaa dalkana way joogayaan,” ayu yiri.

Dhanka kale ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn dowlada maamulka isku magacaabay Dooxada Shabeelle ee hada ku sugan magaalada Beledweyne.

Wuxuu sheegay in axdiga u qoran dowlada ee Fadaraaliga ah uusan sheegeyn in hal gobol uu noqdo maamul goboleed sidaasi daraadeedna aysan aqoonsaneyn maamylka Dooxada Shabeelle.

“Mamaul goboleed meesha kama jiro waa iska hadal maamul goboleed waxa yeelan kara sida noo qoran laba gobol iyo wixi ka badan, anaga waxaan rabnaa in aan ka sameyno maamul ay dadka raali ka yihiin,”ayuu yiri Mr Gaas.

Ra’isulwasaaraha oo ay la socdeen afar ka mid ah wasiiradiisa iyo taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa shalay gaaray magaalada Baladweyne si ay ugu kuur galaan xaaladaha bani,aadanimo iyo tan milatari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.