Ra’isulwasaare C/wali: ‘Puntland iyo Galmudug waa looga garaabayaa waxa ay tabanayaan’ (Dhageyso)

Ra’isulwasaaraha Xukumada KMG Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu qanciyo madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug si ay uga qeybgalaan shirka Istanbul.

Wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay Dr. Cabdiwali Gaas in uu rajo ka qabo Madaxweynayaasha kala ah Faroole iyo Caalin ay soo xaadiri doonana shirka oo furmi doona 31-ka bishan.

“Waxaan is leeyahay waxaa socda wada hadal waxaan rajeyneynaa in ay yimaadaan, cabashada labadaasi gobol waa looga garaabayaa, ahmiyada ayaa ah in ay yimaadaan waxaana aad ugu hanweynahay in lagu qanciyo arrintaasna waa lagu jiraa hada”

Mar wax laga weydiiyey waxa laga filan karo shirka ayuu sheegay in diirada lagu saari doono arrimaha guud ee Soomaaliya, sida siyaasada, dhaqaalaha, amaanka iyo horumarinta.

“Shirkaan muhiimad gaar ah wuxuu u leeyahay Soomaaliya dalal badan ayaa kasoo qeybgalaya oo aduunyada ayuu nagu soo jeedinayaa waana soo dhaweyneynaa, waxaa loogaga hadli doonaa dhaqaalaha, siyaasada, heykalka dowladnimo iyo dhameystirka roadmap-ka,” ayuu yiri.

Ugu danbeyntii Ra’isulwasaare Cabdiwali ayaa cambaareeyey weerarki shalay Al Shabab ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo galbineysay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kaasi oo ay u galeen inta u dhaxeyso deegaanada Calamada iyo Ceelasha Biyaha.

Dhageysi Wareysiga R. Wasaare Cabdiweli

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/05/rwasaraha1.mp3″]

Weerarkaasi waxaa ku dhintay hal ruux todobo kalana dhaawac ayaa kaso gaaray, laakin madaxweyne Shariif ayaa ka badbaaday, waxaana shilkaasi uu dhacay xilli uu kasoo laabanayey booqasho uu ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.