Ra’isulwasaare C/wali oo ku dhawaaqay baaritaano lagu sameynayo duqeynti Jilib

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay baaritaano ku sameyn doonaan duqeyti ay diyaaradaha dagaalka Kenya ku laayeen caruur aanan waxba galabsan magaalada Jilib.

Shir’araa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu u dhacay sidan:

Shir-Jaraa’id

Muqdisho, 18 January 2011

Shirkan Jaraa’id waxuu ku saabsanyahay dhacadii ka dhacday Axadii degmada Jilib oo diyaaradaha dagaalka ay geysteen khasaare isla markaana goobtaas lagu dilay 4 wiil iyo gabar oo uu dhalay Abdullahi Macallin Hussein.

Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay Abdullahi Macallin Hussein oo aan si shaqsi ah uga tacsiyeeyey dhimashada shantiisa carruur, waxaana EEBBE uga baryey inuu samir iyo iimaan isaga iyo shacabka Soomaaliyeed ka siiyo.

Dowladda Soomaaliya waxey si deg-deg ah u sameyn doonaa baaritaan dhab ah ee la xiriira dhacdadaas iyagoo lala kaashanayo dowladda Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya waxey wadaan howlgal ballaaran oo looga soo horjeedo kooxaha nabad-diidka ah ee shacabka ka hor-istaagay gar-gaarka bani’aadanimo iyo nabaddii.

Waxaan rajeyneynaa in howlgalladaas lagu guuleysto oo shacabka Soomaaliyeed laga dul qaado cadowgooda Al-Shabaab si shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nabad waarta.

Markale Dowladda Soomaaliyeed aad iyo aad bey uga xuntahay qasaaraha shacabka waxaana lagu dadaalayaa in dhacadadaan laga faa’iideysto oo la yareeyo ama la joojiyo khasaaraha shacabka.

Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in dalka lagu soo dabaalo nabad oo shacabku ay ka tashadaan aayahooda.

– DHAMAAD –

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.