Ra’isulwasaare Cabdiwali oo sheegay inuu ka badbaaday qaraxi maanta

Ra’isulwasaaraha Xukumada KMG Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in uu ka badbaaday isaga iyo madax kale qaraxi maanta ka dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa ayuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ku sheegay in qarax uu dhacay isaga oo qudbeynayey, waxaana uu uga tacsiyeeyey dhamaan dadki ku dhintay.

“Aniga waa ka badbaaday, qarxa waxa uu dhacay marki aan aniga qudbada bilaabay, dad badan baa ku dhintay waana uga tacsiyeynayaa dhamaan umada Soomaaliya,”

C/wali ayaa sheegay in qaraxan uusan marnaba dib u dhigi doonin shaqada dowlada, waxa kale oo uu sheegay in dowlada ay sii wadi doonto dagaalada ay kala soo horjeedo Al Shabaab iyo Al Qaacida.

“Arintaan mana niyad jebin doonto, runtii waxaana isku dayi doonaa in waxaasi iyo wixi la mid ah hada kadib ma dhici doonaa, dabcan caado ayey u tahay Shabab iyo wixi la mid ah marki lagaga adkaaday furumaha dagaalka oo ay laayaan shacbiga iyo dadka masaakiinta, waxaa naga go,an ka xukumad ahaan in aan la dagaalano ilaa aan ka sifeyn doono dalka, hana ogaadeen in tani aysan dib noo dhigi doonin,” ayuu yiri.

Qaraxi maanta ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo afar ruux iyo qofki is miidaamiyey oo dumar aheyd, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay ilaa iyo 15, intooda badan waxay ahaayeen saxafiyiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.