Ra’isulwasaare Cabdiwali oo booqday suuqi xalay gubtay ee Xamar Weyne

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa barqadi maanta kormeer ku tagay suuqa degmada Xamar Weyne oo uu xalay dab ka kacay.

Dr. Cabdiwali oo booqashadiida ay ku wehliyeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka iyo saraakiisha ciidanka ayaa warbixino kaga dhageystay goobta gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo degmada Xamar Weyne.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in dabka uu sababay qasaaro hantiyeed oo xoog leh balse ay kasii darnaan laheyd hadii aanan loo gurman laheyn xalay.

Ra’isulwasaare Cabdiwali oo ganacsatada kula hadlay goobta xalay gubatay ayaa uga tacisiyeeyey dhamaan dadki uu qasaaraha kasoo gaaray dabka, isaga oo u balan qaaday in dowlada ay wixi karaankeeda ah ku caawin doonto dadki hantidooda ku waayey.

Dabka ayaa lagu guuleystay in la baqtiyo xalay afarti fiidnimo kadib marki ay ka qeybgaleen dab damisyada AMISOM, iyo dadweynaha ku sugan degmada Xamar Weyne.

Sida uu sheegay Mr Gardhuub dabka ayaa sababay burjigo la sheegay in looga dhex tagay xarunta Barxada Yaashiin oo hada ah tan ugu badan ee lagu iibiyo qudaarta magaalada Mqudisho.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.