Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hor kacayey ra’isulwasaare C/wali Maxamed Cali kuwaasi oo kasoo amba baxay dalka Jabuuti.

Wafdigan oo mudo afar maalin ah ku maqnaa socdaalo dhinaca dibada ah ayaa duhurnimadi maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Ra’isulwasaaraha ayaa marki uu soo dagay waxa uu kulan gaar ah kula qaatay qolka VIP-da garoonka diyaaradaha saraakiil ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya, iyadoo aanan la ogeyn waxa uu kala hadlay.

Mudadi uu maqnaa waxa uu socdaalo kusoo maray dalalka Kenya iyo Jabuuti halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda labadaas dal iyo wakiilo ka kala socday beesha caalamka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.