Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar lugta ah ku marayo haatan wadada isku xirto Garoowe iyo Boosaaso

Ra’isulwasaaraha Xukumada KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa saakay aroorti kasoo amba baxay magaalada Garoowe isaga oo ku sii jeeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxa ay ku socdaan baabuur kolonya ah oo aad u badan waxaana la filayaa in ay horay usii maraan magaalada Qardho kadibna uga sii gudbaan magaalada Boosaaso.

Baabuur badan oo ah kuwa dagaalka ayaa la sheegay in ay la socdaan wafdiga oo ka kooban Wasiirada gaadhaandhiga iyo ganacsiga Soomaaliya, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Xildhibaano ka tirsan dowlada iyo saxafiyiin.

Magaalada Boosaaso oo ah halka ay ku wajahanyihiin ayaa la sheegayaa in saakay ay ka socoto diyaar garoow balaaran oo lagu soo dhaweynayo Ra’iuslwasaaraha.

Dr Cabdiwali ayaa la filayaa in caawa iyo beri uu joogo magaalada Boosaaso kadibna uu uga soo duulo magaalada Mqudisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.