Ra’isulwasaaraha oo la kulmay agaasimayaasha wasaaradaha xukumada Soomaaliya

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa maanta u sheegay 18-ka  agaasime ee wasaaradaha dowlada in ay howshooda wataan hadii qaar ka mid ah wasiirada ay isu soo sharaxaan doorashooynka madaxtinimada dalka.

Kulan uu maanta la qaatay Dr. C/wali Gaas ayuu kaga codsaday agaasimayaasha 18-ka wasaaradood ee ay ka koobantahay xukumadiisa in ay shaqeeyaan siina wadaan howlaha kala duwan ee wasaaradaha.

“Waxana ku jirnaa xiligii ka bixitaanka KMG-nimada, maadaama jawi siyaasadeed oo adag la galayo idinkuna aad tihiin madaxi ugu sareeyey maamulka wasaarada ayaan rabnaa in aysan is badalka xaga kala guurka ah uusan saameyn maamulkii dowliga ahaa,” ayuu yir.

Wuxuu u sheegay xoghayaasha guud in ay yihiin lafdhabarka wasaaradaha, iyadoo dhanka kalana xoghayaasha guud ay u balan Ra’isulwasaaraha in waajibaadkooda kasoo bixi doonaan ilaa laga soo dhisayo xukumad dhameystiran.

Hadalkaan ayaa muujinaya in qaar ka mid ah wasiirada xiligaan ee xukumada KMG ay doonayaan in ay isu soo sharaxaan xilka madaxweynanimada dalka marka uu dhamaado xilliga KMG bisha August.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.