Ra’isulwasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib maalmo uu ku maqnaa socdaal dibada ah.

Cabdiwali Gaas iyo wafdigiisa oo safaro kusoo kala bixiyey dalalka Ingiriiska, Norway, Sweden iyo Kenya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Adan Cade kusoo dhaweeyey xuno ka tirsan golaha wasiirada.

Hadal uu saxaafada ku siiyey garoonka dhexdiisa wax yar kadib marki uu soo dagay ayuu kaga warbixiyey wixi uga soo qabsamay safarkiisii dibada.

“Waxaan ka qeybgalay Shirki London oo aad aragteen qodobadi kasoo baxay oo ahaa kuwo guuleystay, kadib casuumaad rasmi ah ayaan ka helnay Norway iyo Sweden, runti labadaasi wadan waa dalal aad u taageera Soomaaliya, kadib waxaan iska wareesanay xaalada Soomaaliya iyo sidi ay u taageeri lahaayeen isna guul buu kusoo dhamaaday,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay kulamadi uu lasoo qaatay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Sweden iyo Norway oo uu aad u amaanay.

“Waxaan fursad u helay inaan la hadlo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool labadaasi wadan oo runtii aad noo soo dhaweeyey, waxay rabaan in ay dalka kusoo laabtaan marka nabada dhameystiranto qeybna ka qaataan dib u dhiska dalka,”

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in warbixin ka siiyo socdaaladiisi madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada kulamada ugu soo horeeya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.