Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Males Zanawi oo geeriyooday

Kadib marki uu todobaadyo si aad ah u xanuunsanaa ayaa waxaa goordhaweyd geeriyooday Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi.

Zenawi oo ahaa 57 jir ayaa geeridiisa waxaa loogaga dhawaaqay warbaahinta ku hadasho codka dowlada taasi oo sheegtay inuu isbitaal ku jiray tan iyo bishii June.

Wali ma lama sheegin sababta keentay geeridiisa, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu dilay cudurka kansarka ee ku dhaca maskaxda.

Warar la isla dhaxmarayey inuu xanuunsanyahay ayaa ka bilowday Geeska Africa, kadib marki uu ka qeybgali waayey shir madaxeedki Midowga Africa ee horaanti bishaan ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Mr Meles ayaa awooda dalka la wareegay isaga oo hogaamiye mucaarad ah, waxa uu xoog ugala wareegay hogaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Mariam sanadki 1991.

Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Hailemariam Desalegn, ayaa si kumeel gaar ah dalka u maamuli doono sida uu sheegay TV-ga dalka Itoobiya.

Meydka Zenawi oo yaala isbitaal ku yaala dalka Belgium, ayaa lagu wadaa in la geeyo magaalada Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here