Ra’isulwasaarah iyo xubno ka tirsan dowladda oo gaaray Balcad

a Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirradiisa ayaa kormeer howleed ku tagay degmada Balcad iyo deegaannada kale ee gobolka Shabeelada Dhexe oo ay saakay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka xoreeyeen Maleeshiyada Al-Qaeda.

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa ka bilaabay deegaanka golloleey halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil iyo ciidammo waxaana kadib uu usii gudbay degmada Balcad isla gobolka Shabeelada Dhexe oo uu kulasoo kulmay shacab isugu soo baxay wadooyinka oo taageerray howlgalkan lagu xoreeyey.

Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas Ra’isulwasaaraha Dalka ayaa khudbad u jeediyey Ciidammada wadajirka uga xoreeyey saakay degmada Balcad iyo deegaannada kale Maleeshiyada Al-Qaeda waxaana uu ciidammada uga mahad celiyey sida geesinimada leh ee ay cadawga uga dul qaadeen shacabkii mudada sanadaha ah dhibaatada ku hayey.

Ra’isulwasaaraha ayaa Wasiirrada kormeerkiisa ku wehliyey waxay kala yihiin Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda,Cirka iyo Dhulka Mudane C/laahi Aadan,Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Mudane C/laahi Goodax Barre,Wasiirka Dastuurka,arrimaha Federaalka iyo Dib U Heshiinta Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo saraakiil Ciidammada ka tirsan.