Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo Sheegay in Dowlada ay ka Go’an Tahay Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda Aadanaha, si loo gaaro ayuu yiri Dowladnimo.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in ay ilaalin doonaan xuquuqda aaadanaha, isagoo sheegay inay wado kasta u marayaan sidi ay u ilaalin lahaayeen Bani’aadamka.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta ayaa shaaciyay in arimaha la xiriira xuquuqda aadanaha ay bilaaw wanaagsan marayaan, isagoo xusay inay dhameystiri doonaan.

Dhanka kale Saacid ayaa soo hadal qaaday Qabaa’ilada Soomaaliyeed ee 22 sano ee la soo dhaafay awooda iskugu faani jiray, halka kuwa kalana la xaqiri jiray, wuxuuna tilmaamay in waxaas laga gudbay, qabaa’ilada Soomaaliyedna ay u siman yihiin Dowlada.

Hadalka Ra’isul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xili uu xabsiga ku jiro Wariye C/casiis Koronto iyo dad badan oo kale, kuwaasoo aan helin xuquuqdooda, waxaana ay ka buuxaan Xabsiyada Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here