Raila Odinga oo ku Hadlay Hadal Farxad Galiyay Reer Gaarisa, Kadib Booqasho uu ku Tagay Isbitaalka Guud

Ra’isul wasaaraha Dalka Kenya Raila Odinga ayaa booqasho ugu tagay Dadki ku dhaawacmay Rabshadihii ka dhacay MagaaladaGaarisa, gaar ahaan kuwa ku jirta Isbitaalka Guud ee Magaaladaasi.

Raila Odinga oo shalay gaaray Magaalada Gaarisa ayaa kulamo la qaatay Waxgaradka Odayaasha iyo Culumaa’udiinka Soomaalida ee ku dhaqan halkaasi, isagoo la qeybsaday dhibaatada ka soo gaartay Howlgalkii Milatari ee ka dhacay magaaladaasi.

Mr Odinga ayaa balan ku qaaday in Dowlada ay garab istaagi doonto Dadkii ay dhibaatada u geysteen Ciidamada Kenya.

“ Wixii ka dhacay Garisa waxaa ay ahayd mid aad looga xumaado, ciidamada waxaa ay ahayd in ay kala saaraan argagaxisda iyo shacabka aan waxba galabsan’ayuu sheegay Raila oo sidoo kale tilmaamay in magdhow lasiin doono dadkii uu ka gubtay suuqa lagu magacaabo Suuq Mugdi.

“Dowlada waxaa ay siinaysaa dadkii suuqa uu ka gubtay magdhow, waana la gacan qaban doonaa dadkii dukamada ay ka gubten”ayuu sheegay Raila.

Sidoo kale waxaa Dadka Magaalada la hadlay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo sheegay inaysan mar labaad dhici doonin dhibaatadana ay geysteen Milatariga Dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here