Raila Odinga oo Ibrahim Ahmed Rashid u magacaabay lataliyaha dhinaca Siyaasada ee Soomaaliya

Raila Odinga Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya,  ayaa Ibrahim Ahmed Rashid, umagacaabay inuu noqdo la taliyihiisa qaaska ah dhinaca Siyaasada Soomaaliya.

“Waan ku kalsoonahay in shacabka Soomaliyeed ay u midoobi doonan kahor taga dhibaatooyinka” sidaa waxaa yiri Odinga.

Ibrahim Ahmed Rashid, oo hada loo magacaabay inuu noqdo Xariga isku xiri doonaa RW Odinga iyo xukuumada Soomaaliya, maahan nin ay ku cusubtahay waxa ka socda Soomaaliya.

Xiriirka udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayaanan ahayn mid sidaa u hagaagsan tan iyo markii lasoo magacaabay doowlada uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh.

Kenya, ayaa iyadu waxaa lagu eedeeyaa ineey dooneeyso ineey qayb kamid ah badda Soomaaliya qaadato, waxaana dhowr warbixin oo lagu qoray wargaysyada Caalamka ugu afka dheer lagu xusay arintaas ama damaca Kenya.

Magacaabista Ibrahim Ahmed Rashid, ayaa kusoo aadeeysa xili uu wadanka Kenya booqasho laba maalmood ah kujoogo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh, iyo wafdi uu hogaaminayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here