Ra’iisulwasaare Saacid Oo Si Weyn Uga Soo Horjeestay Shirka Maamul Usamaynta Jubooyinka

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, oo warsaxaafadeed kasoo saaray maamul usamaynta Jubooyinka iyo Gedo, ayaa waxa ayaa shaaca ka qaaday in shirka 27-ka bishaan Febraayo ka furmay magaalada Kismaayo usuan waafaqsaneen dastuurka dalka u dagsan.

Warsaxaafadeedka Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu sheegay in isku taagista maamul usamaynta Jubooyinka ay tahay mid hal dhinac ah kaasoo kasocda gudaha magaalada kismaayo, iyadoona aan loo soo marin Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha ayaa arintaas ku tilmaamay mid khilaafsan dastuurka uyaala wadanka Soomaaliya.

“Dowladda ayaa laga doonayaa in ay dadka isugu yeerto, Dowladdu ilaalin ayey leedahay Dowladdu hoggaanka ayey leedahay saddexdaasba shirka waa ka maqan yihiin” ayuu yiri Raysalwasaare Saacid, Raysalwasaaraha ayaa amaan u jeediyey dadka rabitaankooda, haddii aad Jubbaland jeceshihiin annaguna waan idinla jecelnahay, laakiin marinka kahladan ayaan diidanahay ayuu yiri.

Rasyalwasaaraha Soomaalya ayaa ka digey in shirka Jubbooyinku uu horseedo in Soomaaliya dib ugu celiyo maalmihii madoobaa, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka, maahan in taariikhdii madoobeyd dib loo akhriyo ayuu yiri.

Mar la weydiiyey Raysalwasaaraha in dowladdu ka gaabisey maamul u samaynta Jubbooyinka, isla markaana dadka ka hor istaagneyd muddo dheer in ay maamul samaystaan ayuu yri, waxaan sheegayaa oo caddeynayaa anagu kumana dheereyn, kamana gaabin, Waxaana uu tusaale u soo qaatey Casumaad uu hadda ka hor u direy Axmed Madoobe oo aanu aqbalin, mar kale ayaan casuney, Hoteelo ayaan diyaariney iyadana lagama jawabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here