Ra’iisul wasaare Sharmaake oo amray in ciidamada NISA faraha kala baxaan…

sharmaake bad gateRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ku amray Ciidamada NISA inay faraha kala baxaan ama y joojiyaan faragelinta ay ku haayan doorashada dadban ee ka socota Gobolada dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa loo kala diray, Guddiga doorashada dadban, laamaha amaanka iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu wargeliyay ciidamada NISA inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada, isagoo ku eedeeyay xiritaanka oday dhaqameed ka tirsan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo ka tirsan Odayaasha 135-ta.

Warqadan oo soo baxday maalintii shalay oo ku taariikheysneyd 29 Bisha November ayaa lagu faray Guddiga amniga doorashooyinka in la ilaaliyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha:-

15226529_1148626488526214_807741061_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here