Ra’iisul Wasaare Saacid:“Qofkii Soo Qabta Gacan Kudhiigle Dilay Wariye Waxaan Siineeynaa 50,000$”

Ra’iisulwasaare Saacid oo maanta kulan la qaatay agaasimayaasha warbaahinta Muqdisho, ayaa waxa uu ballan qaaday  in cidii keenta xog ku saabsan dambiile dil u geystay wariye oo lagu cadeeyo falkaasi in xukuumadu ku abaal marin doonto lacag dhan $50, 000 (Konton kun oo dollar). iyadoo ay aad u soo dhoweyeeneen balanqaadkani bahda warbaahinta.

“Wasiirka warfaafinta 25,000$ ayuu u qoondeeyay in la siinayo qofkii soo qabta ama xog ka keena qofkii wariye dila, anigana waxan ku daray 25,000$ oo kale qofkii soo qabta gacan ku dhiiglihii dila wariye” ayuu yiri Ra’iisulwasare Saacid.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Bakistaan ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladaha kala duwan oo ay suxufiyiinta ku soo shaqeyeen mudooyinkii lagu jiray dowladd la’aanta iyo KMG . Isagoo Xukuumadda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay inay ka hadasho dhibaatooyinka loo geysto wariyayaasha iyo sidii wax looga qaban lahaa. Wuxuuna xusay in ay soo dhaweynayaan xeerka loo sameynayo warfaafinta.

Suxufiyiintii ka soo qeybgashay kulanka ayaa soo jeediyay talooyin lagu horumarin karo wadashaqeynta xukuumadda iyo bahda Warfaafinta, waxaa soo jeedintooda ka mid ahaa in Wasaaradda warfaafintu la wadaagto warbaahinta xogta dowladda, taasi oo wasiirku sheegay in uu wax ka qaban doono codsiga suxufiyiinta.

Ugu dameyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in suxufiyiinta loo ogolaan doono xarumaha dowladda lana siin doono wixii xog ah oo ay dowladda uga baahdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here