Saakay oo Arbaco ah, waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, uu hortago baarlamanka Soomaaliya, si uu codka Kalsoonida u weydiisto.
Ra’iisul wasaaraha aya Xilibaanada qaar u sheegay inuu maanta hortagayo baarlamanka, islamarkaasna uu codka Kalsoonida weydiisto.
Xilibaanada Mooshinka keenay, ayaa ku adkeeysanaya ineey maanta daaqada ka tuuri doonaan Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid, halka xilibaano kaloo farabadan ay ballan ku qaadeen ineey codka Kalsoonida siin doonaan Ra’iisul wasaare Saacid.
Dhageyso Dooda Mooshinka Xildhibanada
[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/xildhibano.mp3″]
Waxgaradka, Bulshada, Aqoonyahanada Soomaaliyeed, ayaa aad uga soo horjeestay Mooshinkaan ay wadaan Xilibaano ku caanbaxay dhabar kajabinta doowlad walboo Soomaaliya u dhalata.
Shalay ayay ahayd markii ay dadweyne aad u farabadan isugu soo baxeen wadooyinka Muqdisho, kuwaasoo kasoo horjeeda Mooshinka laga keenay Xukuumada, waxayna dadweynaha isu soo baxay ay wateen boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka dhan ah Xilibaanda qaswadayaasha ah sida (Mooshin keene iyo Miino aaso waa isku mid).
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
Asc rayigeyga anigu ahaan waxaan qabaa kuwa kasoo horjeedo
raisulwasarah gewi ahaantooda la badilo horeyba waxaa
soo dortay odey dhaqameedkeena waayo moshinka ay
wadaan waa wax wadax ahoo sababta kenteyna raisul wasarah
kasoo horjedsay shirka kismaayo ma aqoonsani u yirey taasi
ayey ciil ka qaban darood sababto ayaga dhulkooda waa
ay nabad qaban anaga marna nooma ogolo inaan dowlad dhisano marka moshinka
ay sidaan waxaa ka weyn taani ay shicabka ay doonayaan
barlamaankana waxaa ka weyn tan shiciibka shaciibka hala raco
taladoodana halaqato shicibka dowlada ah inyar dowlad hadaan
helno ma foodo nugu bilaabayaan ilaah hadiin babiye insha allah waa
na dhibteene ilaah ha idiin cariitriye inta qaska siido