Ra’iisul Wasaare Saacid oo canbaareeyay qaraxyadii shalay

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Saacid, ayaa lagu canbaareeyayq araxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu ku tilmaamay gumaad ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in weerarada nuucaas oo kale ah aaney hakin doonin dadaalka amni ee doowlada iyo Xasilinta Soomaaliya.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii muwadiinta Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay bartamaha Muqdisho maanta. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo ka soo horjeeda nolosha iyo horumarka ummada Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan ismiidaamintaa ee lala beegsaday gaariga Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo waday wafdi ka socday wadanka Qatar uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dawladda iyo isku socodka dadweynaha Muqdisho.

“Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka rayidka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha u sheegayaa inaan u taaganahay difaacooda xili kasta aana xoojinayno amniga guud ahaan,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha oo reer Muqdisho ugu baaqay inay hawlahooda wataa si buuxdana ula shaqeeyaan ciidamada amniga ee dadaalka ugu jira sugida amaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummada Soomaaliyeed laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee aysan jirin wax ay galabsadeen iyo cid ay dambi ka galeen.

“Majirto cid ay dambi ka galeen dadka maanta la xasuuqay Muqdisho ee ay ka midka aheeyeen hooyada iyo ilmaha ay xanbaarsanayd. Xaqiiqo ahaan waa arrin murogo leh ayna tahay inaan dhamaanteen meel uga soo wada jeesano cida gaysatay ee lahubo inay kuwo kale sii abaabulayaan,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Weerarkan is miidaaminta ah ayaa waxaa maanta ku dhintay 6 qof oo uu ku jiro shaqsigii gaystay weeraka, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 25 qof oo kale. Weerarkan ayaa lala beegsaday wafdi ka socda wadanka Qadar oo maalmahaan joogay magaalada Muqodisho ayagoo maraya wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan KM 4.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here