Ra’iisul Wasaare Saacid oo cambaareeyey qaraxyadii ka dhacay xeebta Liido

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii maanta ka dhacay Makhaayad ku dhow xeebta liido halkaas oo ay ku dhaawacmeen todoba qof.

“Argagixisadu waxay caadaysatay inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna hadda u muuqdaan inay yihiin naf lacaari marba hadii dagaalkoodii ku soo ururay inay dhalinyaro la marin habaabiyey qaraxyo ku soo rakibaan, waxaan u sheegayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga midoobo la dagaalanka Argagaxisada, maxaa yeelay maahan kuwo beegsanaya Dowladda oo qura ee waxay beegsanayaan shacabka qaybihiisa kala duwan” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Saacid

Ugu danbayntii Ra’iisul  wasaaraha ayaa Eebe uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii maanta. Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan si looga hortago cadowga duulaanka ku soo qaaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here