Ra’iisul Wasaare Saacid oo arin Muhiim ah kula Dardaarmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa Balan adag la galay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo qaar kamid ah maamulada dalka Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wuxuu sheegay in si loo sugo ammaanka Magaalada Muqdisho loo baahan yahay in maamulada Degmooyinka ay ka shaqeeyaan sugidda dhanka ammanka.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa si aad ah ugu adkeeyay Guddoomiyeyaasha inay ku dadaalaan ammaanka si loo gaaro hadafka in laga miro dhaliyo hanaanka Dowladdnimo ee dalka Soomaaliya.

“Ammaanka waa hadafkeena koowaad waana midkeena labaad Guddoomiyeyaasha Degmooyinka waxan ka codsanayaa inay ku dadaalaan in la xaqiijiyo ammaanka Degmooyinka ay ka yihiin Maamulada ee Muqdisho”

Balan adag ayuu sheegay inuu la galayo Guddoomiyeyaasha taasi oo ku aadan in kaliya laga shaqeeyo ammaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Cabdi faarax Shirdoon ayaa sheegay in hadii Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya ay ku guuleesato sugidda dhanka ammanka Magaalada Muqdisho macnaheeda uu yahay in la gaaray hadafka ah in dalka uu ka dhaco isbedel Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here