Ra’iisul wasaare Kheyre oo maxaabiis Soomaali ah lagu wareejiyay

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay maxaabiis Soomaali ah.

Maxaabiista qaar ayaa la sheegayaa inay muddo sanado ah ku xirnaayeen xabsiyada dalka Ethiopia sida ay sheegeen masuuliyiin ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Arinta sii deynta maxaabiista ayaa ka dambeysay kadib markii ay heshiis kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana kamid ah heshiiskaasi in lasii daayo maxaabiis ku xiran dalkaasi.

Sida wararka ay sheegayaan maxaabiista ayaa ku dhow 100 kuwaasi oo muddo sanado ah ku xirnaa xabsiyada magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa lagu waddaa in lagu wareejiyo Maxaabiistaasi, waxaana maxaabiista kamid ah wariye Boqorka bartmaha oo sanadkii 2013 lagu xiray dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in 120 maxaabiis ah lagu wareejiyay kadib markii bishii June ay ku heeshiiyeen dowladda Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here